berberatoday.com
Khatarta Caafimaad Ee Dawooyinka Antibiotics Ku Keenaan Carruurta Iyo Dhow La’aanta Dhakhaatiirteenna
September 18, 2016 - Written by Berbera Today

1London(Berberatoday.com)-Daraasado xeeldheer oo lagu sameeyey cilmibaadhiso hore oo caafimaad ayaa lagu ogaaday suurtogalnimada in dadka qaangaadhka ah, ee labadii sano ee cimrigooda ugu horreeyey la siiyey dawooyinka Antibaayootigga (Antibiotics) loo yaqaanno ay u badan tahay in ay xasaasiyadi ku dhacday.

Baadhitaaannadan oo tijaabadooda lagu sameeyey dad ka badan 400 oo kun oo qof, natiijada ka soo baxdayna lagu soo bandhigay shir-sannadeedkii Jimciyadda cudurrada hab-dhiska neefsiga ku dhaca ee qaaradda Yurub oo toddobaadkii hore shir sannadeedkiisii ku yeeshay magaalada London, in xidhiidh cadi uu ka dhexeeyo isticmaalka dawadan iyo cudurrada cambaarta iyo sanboorka ee marka dambe qofka ku dhaca.

Daraasado hore ayaa iyaguna soo jeediyey in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya adeegsiga dawooyinka Antibaayootigga (Antibiotics) iyo cudurrada xasaasiyadda.

Fariiba Axmedi Dur oo ka tirsan jaamacadda Utrecht ee dalka Netherlands, hoggaaminaysayna khubarada daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in dawooyinka Antibaayootigga (Antibiotics) ay khalkhal ku keenaan hab-dhiska difaaca ee jidhka, iyaga oo dhaawac gaadhsiinaya bakteeriyada waxtarka leh ee ku jirta xiidmaha qofka.

Baadhitaan ay Fariiba iyo cilmibaadhayaasha ay hoggaaminaysay dib ugu noqdeen 22 Cilmibaadhisood oo la sameeyey intii u dhexeysay 1966kii illaa 2015kii, ayaa daahfurtay in carruurta sannadka ugu horreeya ee da’dooda la siiyo dawo Antibaayootig (Antibiotics) ah ay boqolkiiba 15 illaa 41 kor u kacday khatarta ah in uu ku dhaco cudurka maqaarka ee cambaarta loo yaqaanno, halka boqolkiiba 14-56 ay khatar u yihiin in uu sanboor ku dhaco.

Dhinaca kalana Adam Finn oo ah bare-sare oo caafimaadka carruurta ka dhiga jaamacadda Bristol ee dalka Ingiriiska isla markaana aan ka mid ahayn cilmibaadhayaasha daraasaddan ayaa mar uu ka hadlay natiijadan ka soo baxday, waxa uu sheegay in ay tahay marag xoojinaya dhibaatada ka dhalan karta in muddo dheer qofku isticmaalo dawooyinka Antibaayootigga (Antibiotics), waxa se uu hoosta ka xarriiqay in maadaama oo dawooyinka Antibaayootigga (Antibiotics) ay yihiin hub muhiim u ah la dagaallanka caabuqa iyo bakteeriyada malaayiin dad ahna nafahooda badbaadiso in loo baahan yahay dhakhaatiirtu ay isu miisaamaan dhibta iyo dheefta ay u leedahay qofka ay u qorayaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews