berberatoday.com
Ma Ogtahay Sababta Ka Danbeysee Inay In Ay Masuuliyiinta wasaarada warfaafinta Somaliland Afka Ka Xidhaan Labo Wariye Oo Dawlada Somaliya ku Xidhay Sucuudiga Iyo Ceebta Dul Hoganaysa Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA XA Wariye Idiris Mahamed
September 18, 2016 - Written by Berbera Today

Assalamu’alaikum warahmatullahi wabarakatuh  Ku soo Dhawaada Qormadan Qaawinaysa Arimo Xasaasi Ah 

Safaaradda Sucuudiga ee Somalia ayaa xidhay suxufiyiin Telefishanka qaranka Somaliland uga soo warama dalka Sucuudiga,kadib markii uu amray xadhiga suxufiyiinta safiirka Somalia u fadhiya Sucuudiga kadib markii ay soo diyaariyeen warar ku saabsan xujayda Somaliland

Labadan Suxufi Oo kala ah Mustafe Yuusuf Cabaade Iyo Abdirisaaq Isaaq Ducaale Ayaa lagu Amray inaaay warar ku Saabsan Somaliland ka Diri karin,kadibna ay Diideen Amarkaasi Safaaradda

Manta Waxaay Ku Beegantahay  Maalintii 11 Aad Ee Ay Xidhan Yiin

Xadhiga Labadan Suxufi Ayaa Waxaa Sida La Sheegay Waxaa Ka Danbeyee Shirkadaha Dulimaadyada Cirka Ee Labada Diyaaradood Ee Daalo airlines  Iyo Jubo airlines Waxana La Shegayaa Inay Ka Cadhodeen Markii Xujaydii Somaliland Ka Soo Xajiday Ay Ka Cawdeen Qaabka Iyo Hanaanka Ay Ugu Shaqeyeen Labadan Diyaaradood

 

 

Waa Maxay Sababta Ay Uga  Aamustay  wasaarada warfaafinta Somaliland Oo Ay Ahayeen Shaqaale Mudo Lixsano Ah Uga Soo Dirayeen Wararka Iyo Barmaamijyada Jeddah

 

Mar Aanu Wax Ka Waydinay Xadhiga Labadan Suxufi Waxay Afka Uga Xidheen Ayaa

Maareeyaha Tvga Qaranka Waxuu Nogu Jawaabay

“Anagu Wanu Ku Jirnaa Dedaal Sidii Lagu Sii Dayn Lahaa Labadan Suxufi Lakiin Manu Door Bidin Inaanu Ka Hadalno Tv Markaa Imikana Waxaan Ku Sii Socdaa Masaajid Ee Nabad Gelyo ”

 

Hadalka Maareeyaha Ayaa Waxaa Ka Muuqde Inuu Ka Cago Jiidayo Ka Hadalka Xadhiga Labadan Suxufi

Waxaa Xusid Mudan In Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil Ay Tahay Masuulka Keliyaa Ee ilaa Imika Ugu Cad Cad Ka Shaqeenta Sifihii Ay Labadan Suxufi Ku Helilahaayeen Xoriyadooda Wana Masuul  Markasta La Xidhiidha Labadan Wariye

 

Fadeexada dul Hoganaysa   Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA  Mohamud Abdi Jamac Xuuto 

Manta Oo Ay 11 Cisho Xidhan Yiin Labadan Suxufi Maxuu Uga Hadli Wayay Xadhiga Ay Ka Danbeyeen Labadan Shirkadood Daalo airlines  Iyo Jubo airlines Mar Wax Laga Waydiyay  Ayuu Yidhi ”

 

“Xadhiga Labadan Suxufi Uma Malaynayo Inay Ka Danbeyeen Labadan Daalo airlines  Iyo Jubo airlines Lakiin Waxaan Idin Shegayaa Inay Ka Dabeyeen Xadhigooda Dawlada Ka Talisa Muqdisho Dee Dawladna Dawlad Ayaa La Hadasha Waxaan Aniga Qudhaydu La Yaabanahay Sababta Uu Saxiibkay wasiir cisman cabdilaahi saxardiid cadaani Uu Uga Aamusay Xadhigan Labadan Nin Ee Ka Midaa Shaqalaha Wasaradiisa

 

Isku Soo Wada Duubo Dhawaan Xuuto Ayaa U Muuqda Mid Aan Xil Ka Sarneen Wariyaasha Ka Soo Jeeda Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland Halka Maalin Kasta Isaga Iyo Wasiir Cadaani Isu Jawaab Celiyaan Labadooduba Waxay Ku Fashilmeen Inay Ka Hadlaan Ceebtan Taagan Oo Salka Ku Haysa ” Dawlada Muqdisho Oo Xidhay Labadan Wariye Oo Ka Midaa Shaqaalaha Tvga Qaranka Somaliland Lakiin Waxaa Laga Daremayaa Qaar Kamidaa Gobolada Bariga Somaliland Mudaharaado Lagu CanbarenayoXadhigan Laguna Dalbanayo In Xoriyadoodi Dib Loogu Soo Celiyo Labadan Suxufi “Dhinaca Kale Waxaa La Cadeeyay In Labadan Shirkadood Ay Lacag Waaliyaa Ku Bixinayaan Sidii Labadan Suxufi Wadanka Loga Soo Sari Lahaa Halka La Dareensan Yahay  In Lacag Afka Loogeliyay Qaar Kamidaa Masuliyiintii Ka Hadli Lahayd Xadhigan Sida Gudoomiye xuuto IWM

 Wariye Idiris Mahamed Dabshid

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews