Maareyaha Dekeda Berbera Oo Xisaabiye Cusub Umagacaabay Dekeda Kii Horena Xilkii Ka Qaaday
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Mareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir ayaa Masuul Ka Tirsanaa Shaqaalaha Dekeda Berbera U Magacaabay Xisaabiyaha Dekeda Berbera isaga oo Maareyuhu xilkii ka qaaday Xisaabiyihii hore ee Dekeda Cabdiraxmaan Axmed Xoolow.
Masuulkan uu Maareyuhu xilka umagacaabay oo layidhaa Cabdirisaaq Cali Xuseen Ayaa Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay dekeda berbera kana shaqaynay mudo gaadhaysa 11 Sano Mudadaa xilalkii dekeda ka soo qabtayna waa sidan ayagoo faafahsan . Bishii June 2012chief cashier, isla bishaa xisaabiyaha dekeda, December 2014 sarkaalka dekeda u qabilsan world bank mashruuca Please. PFM ilaa iminka uu ahaa hadana maanta markale loo magacaabay xisaabiyaha dekeda Mareeyaha dekeda berbera Axmed Yusuf Dirir ayaa muddoyinkii ugu danbaayay la filayay inuu isku shaandhayn ku sameeyo shaqaalaha dekeda berbera gaar ahaan Madaxda waaxyaha Dekedu ka kooban taha.