Maraykanka Oo Maanta Madaxweyne Silanyo U Soo Diraya Weftigii Ugu Cuslaa Oo Ka Dalbanaya Inuu Ka Noqdo Go’aankiisa Uu Dib Ugu Dhigayo Doorashada Wakiilada
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Maraykanka ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo dirtay wefti culus oo diblomaasiyiin ah oo culays ku saara inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaadayo labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigayo doorashada golaha wakiilada. Weftigan ayaa ah weftigii ugu cuslaa ee dawladda Maraykanka ka socda ee muddooyinkan dambe socdaal ku yimaada caasimadda Somaliland ee Hargeysa.