Musharraxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Ehelladii, Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland Geeridii Naxdinta lahayd ee ku Timi Marxuum Cismaan Cabdilahi Cigaal (Cismaan Hindi)
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ku hadlaya afka golaha dhexe, ka Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga, Laamaha dibeda iyo sidoo kale kuwa goboladda ee Xisbiga Ucid, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland oo uu ka Tacsiyadeynaayo geeridii naxdinta lahayn ee ku Timi Rabbi naxariistii jano haka waraabiyee Cismaan Cabdilahi Cigaal oo ahaa shaqsi qiimo badan oo Kaalin mug iyo miisaan lehna kasoo qaatay dib-u-dhiska dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kamid ahaa dadkii seeska u dhigay qaranimada iyo horumarka aynu manta gaadhnay.