berberatoday.com
Xogo Qarsoon Oo Laga Helay Kooxihii Baasaaboorka Xamar Ku Samayn Jiray Somaliland Gudaheed Oo Dib U Soo Karaar Qaatay Iyo Dawladda Soomaaliya oo Dabada Kasoo Riixaysa
September 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ra’yul-caamka bulshada Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey siyaasadda hoggaamineed ee wasiirka cusub ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Md. Yaasiin Maxamed Faratoon ku waajihi doono, dabinnada qarsoon ee gudaha iyo dibada dalkaba daadsan ee cadawga somaliland ku minjo xaabinayo qaddiyadda Somaliland iyo nidaamka dawladnimo ee ka dhisan geyiga somaliland.

Si kale haddii loo dhigo dalkan Somaliland oo cadaw fara badan leh  Tan iyo markii uu Md. Yaasiin Maxamed Fararoon, wasiirka cusub ee wasaaradda daakhiliga Somaliland uu madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddaas u magacaabay waxaa hoos u dhac ku yimi shirqoolladii ku lidka ahaa dawladnimada dalkan ee laga soo maleegi jiray meelo kala duwan oo dabcan ay maamulka Muqdisho ugu horreeyeen. Shirqoolladaas lagu minjo xaabinayo qaddiyadda dalkan waxaa ka mid ahaa xafiisyo qarsoodi ah oo magaallooyinka waaweyn ee somaliland uga furnaan jiray cadawgaas aynu soo sheegnay, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu bixin jiray amaba loogu samayn jiray baasaaboorka gacan ku rimiska ah ee dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ay iska leedahay, kuwaas oo ay magaallada Muqdisho ka soo waaridi jirtay shabakad xidhiidhsan oo ay ku jiraan dad u dhashay somaliland oo weji ganacsi ku iman dalka. Baasaaboorkan oo marar kala ay xukuumadda Somaliland go’aamo kala duwan ka soo saartay Hummaag been ah oo ay maamulka Xamar ku tusi jireen caalamka, iyaga oo uga dhigaya in Somaliland ay kamid tahay Soomaaliya, isla markaana baasaaboorka cusub ee E-passport loo yaqaanno laga bixiyo magaallooyinka waaweyn ee dalka, haddana waxaa dadka u dhuun daloolla arrimahaasi ay  hawl-gallada xukuumadda iyo go’aammada lagu mamnuucayo ku tilmaami jireen kuwo afka baarkiisa ah oo aan wax ka soo qaad lahayn, taas bedelkeedana ay masuuliyiin  xilal kala duwan ka haya xukuumaddu qayb ka yihiinpasportfududeynta hawlaha shabakaddani ku socodiinayso baasaaboorkan. Masuuliyiinta lagu xaman jiray in uu gacan siiyo kooxaha baasaaborka Soomaaliya ku bixiya Hargeysa gudaheeda waxaa sida ay  ra’yul caamku  qabeen kamid ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland haatanna madaxweynuhu u magacaabay wakiilka Somaliland ee wadanka Itoobiya Cali Maxamed Warancadde oo muddadii uu xilka wasaaraddaas hayay hadallo beer laxawsi ah oo lagu mamnuucayo baasaaboorkan dhegaha dadka maqashiin jiray, hase yeeshee sida saraakiil dawladda Soomaaliya ka tirsani ay marar kala duwan warbaahinta u sheegeen wada shaqayn aan qarsooonayn la lahaa waa Warancadde’e hoggaankii hore ee waaxda Socdaalka ee Soomaaliya haatanna ah taliyaha nabadsugida dalkaas Gen. Gaafow. Sidoo kale waxaa masuuliyiinta Somaliland ee gacansaarka la lahaa kooxihii baasaaboorka Soomaaliy ku dhex qayb jiray Somaliland kamid ahaa Taliyihiihore ee laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro) oo isaga xilka laga qaaday markii ay tuhunno la xidhiidha arrimahasi soo baxeen.

Haddaba Iyada oo 3-dii bishii Hore ee August ee sanadkan  ay xukuumadda Somaliland shaacisay in gebi ahaanba la mamnuucay Baasaaboorkaasi sida qarsoodiga ah loo bixin jiray isla markaana Somaliland gudaheeda loogu samayn jiray haddana wali waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ay shabakaddahani dib ugu soo karaar qaadanayaan, iyaga oo weliba ka dabin dhawraya wasiirka cusub ee wasaaradda daakhiliga loo magacaabay Md. Yaasiin Maxamed Faratoon oo ah siyaasi ruug caddaa ah oo go’aan qaadashadiisa aan lamalayn karin isla markaana tallaabooyinka dhoollatuska tallaabooyinka uu ku hoggaaminayo wasaaraddani ay yihiin kuwo qunyar socod ah.

wararka iyo xogaha la xidhiidha arrintan ee ay tibaaxahooda warbaahintu hayso, waxaa ay intaa kuy darayaan in dib u dhac weyn oo kooxihii arrimahan ku hawlanaa ku yimi kadib ay haatan ku  qorsheynayaan sidii ay wAsiir Faratoon u jiidhsiin lahaayeen  mashruucooda oo dabcan sida aan hore u soo sheegnay ay dawladda Somaliya dabada ka riixayo isla markaana maalgelinayso.

Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiir faratoon u aragta caqabada koowaad ee ka hor iman karaysa siyaasaddooda kuwajahan samaynta iyo socodsiinta baasaaboorka Soomaaliya, maadaama oo ay hore wasaaraddan iyo hay’adaha ku shaqada leh ee Somaliland ay joogeen masuuliyiin ay gacmahoodu is gaadhaan isla markaana saamigooda loo gooyo.

 Taas ka sokow dawladda Soomaaliya  waxaa ay wasiir Faratoon ku colaadinaysaa mawqifka uu ka qaatay iyo hadalkii uu kaga jawaabay sheegashadii uu madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku nashuushadeeyey qaranimada Somaliland, isaga oo Wasiir Faratoon hadal adag oo ladh ku abuuray Soomaaliya kaga jawaabay damacii Siyaasadeed ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Isku soo wada duuboo, waxa la dhawrayaa tallaabada uu ka qaadan doono wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Somaliland, shirqoollada iyo dabinnada daadsan ee Soomaaliya ay Maleegayso iyo sida uu ugu baraarugo dhaqaajintooda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews