Cabdiraxmaan Ciro Oo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Saaxil Umagacaabay Masuul Aan Mucaaradada Ku Dhiiranayn Oo Xukumada U Ilka Qabaw
September 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro oo dhawaan xilkii Gudoomiyenimo ee Gobolka Saaxil ka qaaday Cali Axmed Kooshin ayaa xilkaas umagacaabay Maxamed Axmed Baashe oo lagu naanayso Talaata Codle oo aan mucaaradada aanay isku fiicnayn oo kamida dadka qunyara socodka ah ee ku nool magaalada Berbera sidoo kalena lagu xanto inuu xukumada ku xidhanyahay.
Gudoomiyaha Xilka laga qaaday Cali Axmed kooshin oo loo magacaabay isaga kuxigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaa ahaa shaqsiyad xisbiyahanimada Khabiir ku ah oo mucaaradadiisana aanay Xukumadu ka seexan jirin.