berberatoday.com
INA JICIMBIROOW TOOS: Hal-ku-dhegga Hees Ujeeddooyin Siyaasadeed Xambaarsan Oo Uu Hal-Abuuray Wasiir Hore Oo Katirsanaa dawlada Xamar Kana Soo Jeeday Somaliland
September 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawlada Xamar Cabdiraxmaan Beyle, oo ah Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan Gobolka AWDAL, balse Aaminsan Mabda’ Midnimada Soomaaliya, ayaa allifay Midhaha Hees Hal-ku-dheggeedu yahay “INA JICIMBIROW TOOS”, taasi oo Xambaarsan farriimo siyaasadeed oo Macnayaal badan leh.

Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo Xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uga horeeyay Wasiirka hadda haya, ayaa Hal-abuuray Midhaha Heesta “Ina Jicimbirow Toos”, taasi oo uu kula hadlayo Cid haysa Xukun Ummadeed isla-markaana sida heesta ka muuqata aan oofin Dhaartii ay Ummadda u mareen iyo Masuuliyaddii uu ILAAHAY saaray.

Heestan oo ay codkeeda ku qaadeyso Fannaanad Lafteedu cusub oo Magaceedu yahay Safiya Tusmo, ayaa Muuqaalkeeda Toddobaadkan lagu baahiyey Internet-ka.

Midhaha Heestan oo aanu ugu talo-galay Akhristayaasha shabakada Wararaka ee Berberatoday.com ayaa ku bilaabantay sidan:-

………………………………..

Ina Jimicbirow toos

Uskagaad dhex jiiftiyo

Sida aad u eg-tahay

Anfariirka Yoolka ah

Bulladkiyo Awaaraha

Indhahaaga kala furoo

Agagaarka Deymoo

Wax Miyaad arkaysaa ?

…………………………….

Sidaan kugu ogaa iyo

Mise Weli Am-baad tahay

Aaraa Dam iyo Quus

Iyo Looma Aayaan

Waxba kuuma urayaan

Markii ay Asqowdee

Ummal-biiray Sarakacay

Wixii kuu ekaa iyo

Abaalkeedii maad Gu’din

………………………………..

Ina Jimicbirow toos

Arrin keen, Aqoon keen

Aqbal iyo Adduun keen

Afartaa Miduun keen

Haddii kale illaa Abid

Adduunka iyo Aakhiro

Waxaan kugu Ogahay

Waa eedaysanaad tahay

…………………………………

Ina Jimicbirow toos

Aafada lurkaagiyo

Dabkaad oogtay baa shidan

Olog iyo Dad wada yiil

Isla Ul iyo deerkeed

Ehelkiyo Qaraabada

Intaad kala ildheerseen

Kala aamin bixiseen

 

Aakhiro isku seegeen

Isku ooman weliyee

Kala ooddey baa badan

Dhaaxaan itaalkay

Uubtaad qodeysiyo

Jarka Odaxda Hoos taal

Usha kuugu fiiqoo

Afku hadal ma deynine

Madaxii ma aragtaa ?

…………………………

Ina Jimicbirow toos

Illaa Aamanuun baan

Talo kula ag-joogoo

Wanaag kugu Akhriyayee

Dhegahaagu Adagaa

Ummaddii habaysnayd

Anshaxeedu toos naa

Wacadkaad u qaadiyo

Ballantii amaanada

Dhaartii ILAAHAY

Ninkii Oofin Waayow

Ilkahaaga dhiigga leh

Dadku way arkaanoo

Wallee Aaminkaa dhimay

Iilkiyo Qiyaamaha

Laga ooli maayee

Dharaartaa Maxaad odhan?

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Heesta Ina Jicimbiraw Toos

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews