Magaalo Laga Bilaabay Ollole Guurka Loogu Fududaynayo Dadka Guur Doonka Ah
September 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Magaalada Al-danawiba ee ka tirsan gobolka Jiisa ee dalkaasi Masar ayaa dadwaynaha ku dhaqani soo saareen Liis lagu xadidayo kharashka ku baxaya guurka labada lamaane ee is doorta ee ka soo jeeda magaaladaasi .
Waxa ay arrintani ku dhaqaaqeen waayeelka ku dhaqan magaaladaasi kadib markii ay ku soo noqnoqdeen cabashooyin fara badan oo la xidhiidha arrintan,waxa aanay ugu baaqeen dadka guur doonka ah ee ku dhaqan magaaladaasi inay qaatan go’aamada ku qoran Liiska ay soo saareen si loo fududeeyo arrimaha guurka .
Dhinaca kale mid ka mida waalidiinta dhalay caruus guursaday ka hore intii aan go’aankan la soo saarin ayaa sheegay in agabka uu siiyay qoyska ay ka soo jeedo haweenayda uu guursaday wiilkasu ay ku bixiyeen lacag dhan 17000$, sidoo kalana waxa ay sheegeen dadwaynaha ku dhaqan magaladaasi in qiimahaa iyo mid ka badan ba lagu kharash gareeyo alaabaha loo iibiyo dumarka la guursado iyo eheladooda .