Nuxurka Dacwad Xisbiga Waddani Ugudbiyey Maxkamada Sare ee Somaliland
September 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamada Dastuuriga ee Somaliland.
Dacwadan saaka Xisbiga Waddani u gudbiyay Maxkamada Sare ayaa la xidhiidhay cabasho ay ka muujiyeen qaraarkii madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday Doorashooyinka Wakiilada iyo baarlamaanka Somaliland.
Kulan Albaabadu u xidhanyihiin oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare kadib waxaa warbaahinta la hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbgaas Maxamed Uurcade.
“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad la xidhiidha qaraarkii Madaxwaynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka ee golaha wakiilada loo Gudbiyay oo Xisbiga Waddani u arko qaraar sharciga baalmarsan”ayuu yidhi Xoghaye Uurcade.