Somaliand Mar Way Ayaan Badantahay , Mara Way Ayaan Darantahay
September 19, 2016 - Written by Berbera Today
Somaliland way Ayaan badan tahay oo waxay haysataa nabadgalyo waxa
walbana nabada ayaa ka kow ah.
Nabad ayaa can macaan; nabad ayaa horumar keenta
shay kale oo la hor dhigi karaana ma jirto waana taa ay qayrkeed ku dhaanto.
ILAAHAY BAAN MAHADAA LEH
Somaliland marbay Ayaan darantahay markuu arinkeeda dhaafi waayay
afar xaaladood oo kala aha.
01.Dawlad aan ka korin mudo kordhin Xaaran ah iyada xilkeeda gudan kari wayday
kana simanyihiin dhamaan sedex tiirarka u aha Asaaska Dawlada tan iyo wakhtigii la
aasaasay.Waana . SEDEX DA GOLE EE QARANKAN
02. Qabyaalad qaramaysan iyo is xulafaysi beelaysan garanimana loogu magaca
daray taasi oon diir ku rognayn adeegisgeed.
03.Musq-maasug .darajo maamuus iyo raga nimo lagu gaadhay.
04.Mid nimo aan lugo iyo Sal toona ku taagnayn la isku a khuurinayo.
Afar taasi waxay galafteen Dawladnimadii iyo yoolkii laga lahaa dalkan kuna
taamayeen jiilkan iyo da,yartu. Waxa lumisay hogaamintii toosnayd isla marka
loo raaci lahaa horumar ka ay keeni lahay dawladnimado.
Afartii xukuumadood ee soo maray dalkan wixii loo socday iyo ujeedooyinkii laga
lahaa, geedi socodka iyo wax qabadkoodii waxa kasta oo la qabtay waxaa is
kaba raaciyay lagana gudbi karayo afartaa qodob ee Xukuumada haatan jirtaana
ka midha dalisay afartaba.Masuuliyadeedane Leh.
Rabi Naxariistii Jano ha ka waraabiyo Abwaankii qaaliga ahaa Xasan sh Muumin.
Wuxuu kaga hadlaya marka xaaladahan oo kale jiraan iyo halkaa waxay marayaa.
midhihii heestiisi. Wuxuuna Jana galuhu u dhigay murtidiisa su;aalo iyo jawaabo
iyada uu shacbiga wakhtiga wax ugu sheegayo una tilmaamayaa halka
Xaal marayo waana wakhigii Somaliya, Dawladi kacaanka ka horaysay ee uu
Raiswasaaraha ka ah Abdi Risaq Hai Husein.
Heesta waxa ku wada luuqayn jiray .Fanaanada Qaaliga Hibo Mohomed Hibo Nura iyo
01.Suaal .Dhan kasto la eego nolasha dunidu waa dabkee. Haduu dabkii dhaxmoodo
maxaa lagu diriyaa?
jawaab 01.Nin Aduunyou haysto dahabkana barkanoya wixiisu deeqa waayay dab
02.Suaal.Durdurkaa laga caba gees lagu dabashaa haduu hare Dareer darkee laga
warabsha?
02.Jawaab.02.Nasri nimada diintiyo distoorka iyo Xeerarka haddi dabool la saaro
durdur oomay weeye.
.
03.Suaal.Ninkii curdur dilaayo Dawada bogsise,haday dawo bukooto maxaa lagu dabiibi?
Jawaab.03. Wixii la dabiibi dadWeynaha la waydiin……….
Gunti iyo gabagabadii waxaa maanta inoo cad muuqata Somaliya guud ahaan waaxay
numberka kowad (one )ka noqotay Musuqmaasiqii waxaa la cadeeyay 10 masuul ee
Dawlada Somaliland ugu sareeya ee arimahaan ku lug leh.
arinkaasi oo ka dhigan masiibo ku habsatay dalka iyo dadkan ahna boog aan hore isaga
qabanwaynay qarsanaynayna,waxaanan aaminsanay arimahaasi oonu ka soo waaqsanay
dalkan iyo dadkuba wakhtiga dhaw.
Waxa kale oo iyana xusid mudan in aanay jir cid ka badbaadayaan maamul ahaan afartaa
xaaladood ee ku habsatay Somaliland jiil hore iyo jiilka da yarta ah ee xukuumada maanta
talada haysa ka midka ah.Xukuumadii timaadaana la mid noqon doonto,haddi Mucaarid ka
timaado iyo hadday muxaafid ka timaado.
Waxaanan leeyahay shacabka reer Somaliland ha ogaadaan in aan loo shaqaynayn ee laga
shaqsysanayo.sida awgeed SOMALILAND MAR Way AYAAN BADANTAHAY,
MARNA WAY AYAAN DARANTAHAY ,
waxayna suaashu tahay Maxaa Xal ah ee Dalkan lagu badaadin karaa.
WA bilaahi Tawfiq
Eng Musa A Nour