Turkiga Oo Gacanta ku Dhigay Nin Haweenay Dhar Gaagaaban Gashan Wax-yeeleeyay
September 19, 2016 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Ciidanka dalka turkiga ayaa xabsiga u taxaabay nin dhibaateeyay gabadh kaaso ay sheegeen inuu laaday gabadhan isla markaana uu dhaawac gaadhsiiyay sababtuna ay ahayd in gabadhani ay gashanayd surwaal aad u gaaban nooca loo yaqaan (short), waxa aanay ku kulameen ninkan iyo gabadhan basaska ka dhex shaqeeya magaalada Istanbuul .
Waxa kale oo ay wararkuu intaa ku daran in ay ciidamadu ninkan gacanta ku dhigeen kadib markii uu baska ka dagay waxa aanu waqtigaa ku sugnaa xaafada Iskoodaar .
Sababta lagu dareemay inuu ninkani haweenayda dhib gaadhsiiyay ayay ku sheegeen dadkii ku xeerna inuu markuu ee dhibaataynayay uu aad u qayliyay , gabadhan oo ah gabadh Nurse ah isla markaana ka hawl gasha mid ka mida dhakhaatiirta waawayn ee magaalada Istanbuul ayaa waxa uu ninkani ku dhawaaqayay markii uu dhibta u gaystay “waxa waajib in la dilo dumarka xidhan saraawiisha gaagaban “ , kadibna uu wajiga ka laaday .