Madaxweynaha Kenya Oo Somaliya U Balan Qaaday Inaanu Aqoonsan Doonin Somaliland
September 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Kenya ayaa cadaysay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Madaxweynaha Somaliya u balan qaaday inaanay dawladiisu aqoonsanayn qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu meesha ka saaray in socdaalkii uu badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya ku yimid caasimadda Hargeysa ahaa mid ay dawladda dhexe ee Kenya wax ka ogayd.
Afhayeenka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in dawladda Somaliya ay socdaalkii badhasaabka gobalka Meru Mr. Munya uu ku yimid Somaliland; u aragtay inuu hor dhac u yahay go’aan ay Kenya ku aqoonsanayso madaxbanaanida Somaliland. “Badhasaabka Meru ayaa u socdaalay Somaliland, isagoo doonayay inuu maamulkaas kula soo heshiiyo dhoofinta qaadka Miirooga.” ayuu yidhi afhayeenka oo intaas raaciyay “Wax kasta oo ay ujeedadiisu ahayd wanaag ama si kale, wuxuu badhasaabku kulamo la yeeshay maamulkaa, isagoon wax wada hadal ah la samayn dawladda Somaliya amaba aan la tashan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Badhasaabada oo uu ku jiro Munya waa inay ogaadaan inaanay wada wada hadalo iskala yeelin dawlado kale ama dalal kale iyagoon la sii hadal wasaaradda arrimaha dibadda.” ayuu yidhi afhayeenka Kenya.