berberatoday.com
Madaxweynaha Kenya Oo Somaliya U Balan Qaaday Inaanu Aqoonsan Doonin Somaliland
September 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Kenya ayaa cadaysay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Madaxweynaha Somaliya u balan qaaday inaanay dawladiisu aqoonsanayn qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu meesha ka saaray in socdaalkii uu badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya ku yimid caasimadda Hargeysa ahaa mid ay dawladda dhexe ee Kenya wax ka ogayd.

1

Afhayeenka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in dawladda Somaliya ay socdaalkii badhasaabka gobalka Meru Mr. Munya uu ku yimid Somaliland; u aragtay inuu  hor dhac u yahay go’aan ay Kenya ku aqoonsanayso madaxbanaanida Somaliland. “Badhasaabka Meru ayaa u socdaalay Somaliland, isagoo doonayay inuu maamulkaas kula soo heshiiyo dhoofinta qaadka Miirooga.” ayuu yidhi afhayeenka oo intaas raaciyay “Wax kasta oo ay ujeedadiisu ahayd wanaag ama si kale, wuxuu badhasaabku kulamo la yeeshay maamulkaa, isagoon wax wada hadal  ah la samayn dawladda Somaliya amaba aan la tashan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Badhasaabada oo uu ku jiro Munya waa inay ogaadaan inaanay wada wada hadalo iskala yeelin dawlado kale ama dalal kale iyagoon la sii hadal wasaaradda arrimaha dibadda.” ayuu yidhi afhayeenka Kenya.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Kenyatta uu wada hadal arrintan kala yeeshay madaxweynaha Somaliya, wakhtigii uu socday shirkii IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay islamarkaana uu u balan qaaday madaxweynaha Somaliya inaanay Kenya aqoonsanayn wuxuu ugu yeedhay afhayeenku maamul goboleedyada Somaliya oo uu ula jeeday Somaliland, waxaanu badhasaabka Kenyanka ah ee socdaalka ku yimid Hargeysa ku tilmaamay mid aan wax badan kala socon siyaasadda dibadda ee dalka Kenya.

Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay ciyaartay kaarto diblomaasiyadeed oo ay dawladda Kenya la beegsatay, iyadoo aanay jirin wax jawaab ama hadal ah oo ay dawladda Somaliland ilaa hadda ka tidhi qaddiyaddan oo xaasaasi noqotay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews