berberatoday.com
Puntland”Xildhibaano Gole Deegaanka Oo Xasaanada Lagala Noqday
September 20, 2016 - Written by Berbera Today

Nugaal(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa go’aan ka gaadhtay khilaaf muddo ka dhex taagnaa golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa xasaanaddii lagala noqday Shan Xildhibaan iyadoo la faray in lasoo xulo  kuwo badalay.

garoowe

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan Burtinle ay tageen wafdi uu hogaaminayo wasiir Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.

Guddoomiyaha degmada Burtinle, Maxamed Maxamud Buur-dib, oo warbaahinta  la hadlay  ayaa sheegay in raggan xasaanadooda ku waayeen kadib markii ay ku kaceen tallaabooyin kasoo horjeeda xeer hoosaadka golaha deegaanka degmadaasi iyo sharciga dalka u yaalla.

Wuxuu sheegay inay carqaladeeyeen hormarkii ka socday Burtinle.

Buur-dibi, ayaa xasaanad qaadista Xildhibaanada sheegay in loo maray wadiiqo dheer oo sax ah, isagoo xusay in golaha deegaanku cod u qaadeen kalsooni kala noqoshada raggan.

ww

Dhinaca kale, waxaa tallaabadan ku gacan saadhey Xildhibaanada kala ah shanta ee laga saaray golaha deegaanka degmada Burtinle, waxayna ku doodeen inaan loo marin sifo sharci ah islamarkaana xeerka golayaasha deegaanka Puntland ku qornayn in xasaanadda looga qaadi karo digreeto wasaaradeed. Halkan ka dhagayso

Tallaabadan ayaa timid xilli muddo dheer khilaaf ka dhex taagnaa maamulka iyo golaha deegaanka degmada Burtinle, waxaana wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolku awoodi waayeen inay xal ka gaaraan murankaasi.

04 October, 2015 ayay ahayd markii la doortay Guddoomiyaha haatan xilka haya, iyadoo xusid mudantahay in dhismaha golahaasi ka hor khilaaf jiray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews