Xisbiga KULMIYE Oo Markii Afraad Gole Keenay Siyaasi UDUB-tii Hore Ah Oo Dhawr Bilood Ka Hor Ku Soo Biiray + (Sawiro).
September 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa markii afraad gole keenay oo Saxaafadda u soo bandhigay Siyaasi UDUB-tii hore ah, kaas oo Xisbiga KULMIYE ku biiray dhawr bilood ka hor.

Balse tiraba afar munasibadood oo Xisbiga KULMIYE u qabtay xubno uu sheegay inay ku soo biireen, ayuu intaba qayb ka ahaa Siyaasiga lagu magacaabo Maxamed Axmed Caalin (TIIMBARO) oo dhawaan ka soo laabtay dalka Ingiriiska.