berberatoday.com
Xisbiga KULMIYE Oo Markii Afraad Gole Keenay Siyaasi UDUB-tii Hore Ah Oo Dhawr Bilood Ka Hor Ku Soo Biiray + (Sawiro).
September 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa markii afraad gole keenay oo Saxaafadda u soo bandhigay Siyaasi UDUB-tii hore ah, kaas oo Xisbiga KULMIYE ku biiray dhawr bilood ka hor.

tiinbaro

 

Balse tiraba afar munasibadood oo Xisbiga KULMIYE u qabtay xubno uu sheegay inay ku soo biireen, ayuu intaba qayb ka ahaa Siyaasiga lagu magacaabo Maxamed Axmed Caalin (TIIMBARO) oo dhawaan ka soo laabtay dalka Ingiriiska.

Xaflad loo qabtay Proff. Axmed Ismaciil Samatar oo ka dhacday Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, ayuu ka sheegay Mr. Maxamed Axmed Caalin (TIIMBARO) inuu ku biiray Xisbiga KULMIYE.

tiin

Balse tiraba saddex xafladood oo kale oo Hargaysa ka dhacay ayuu markale ka soo muuqday isagoo jilaaya inuu yahay xubin cusub oo Xisbiga soo gashay, munasibadaha dholatuska ah ee siyaasigan lagu soo bandhigaayay ayay tii ugu danbaysay ahayd midii shalay loo qabtay xubno uu kamid ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Daahir Rayaale, Ex. Wasiir Axmed Xaji Daahir iyo xubno kale, waxaana uu munasibadaas Mr. Timbaro ka sheegay inay iyagoo Xisbigii UDUB ee waa-hore xijaabtay ka tirsan ay Muxafidnimada barayaan Xisbiga KULMIYE.

Lama oga u jeedada dhabta ah ee soo cel celinaysa siyaasigan, balse waxa loo qaadan kara mid uu xeelad ka leeyahay Xisbiga KULMIYE. Maxamed Axmed Caalin (TIIMBARO) ayaa mar Maayar ku-xigeen ka ahaa Magaalada Hargaysa, Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin oo xilka haysa ayuu u dhoofay dalka Ingiriiska, bilooyin kahorna dalka ayuu ku soo laabtay isagoo si is dabajoog ah u shacinaayay inuu Xisbiga KULMIYE ku biiray, siyaasigan ayaa ka soo jeeda Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Baligubadle. Iyadoo degaanadaas oo Xisbiga KULMIYE cudud xoogan ku lahaan jiray doorashooyinkii hore ay hadda kaga xoog roon yihiin Xisbiyada Mucaaridku.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews