Dugsiyada dalka Spain Oo Dib Uga Noqday Go’aan Ay Ku Mabnuuceen Xidhashada Xijaabka
September 21, 2016 - Written by Berbera Today
Madrid(Berberatoday.com)-Maamulada dugsiyada dalka Spain ayaa dib uga noqday go’aan ay ku joojiyeen in dugsiyada dalkaasi lagu tago xijaabka go’aanka oo dhib aad u fara badan ay kala kulmeen hablaha islaamka ah ee dalkaasi wax ka barta .
Hadaba gabadh mageecada la yidha Taqwa Rajab oo ka mid ah ardayda wax ka barata dalkaasi ayaa dhib aad u fara badan kala kulantay go’aanka ay soo saartay maamulada dugsiyada ee dalka Spain ,kadib markii loo diiday inay gasho gudaha dugsiga ay wax ka baranaysa iyada oo xijaab xidhan Amarna lagu siiyay in bixiso xijaabka ,laakiin Taqwa ayaa ku adkaysatay in aanay marnaba ka tagayn dhaqankeeda islaamiga ah .