berberatoday.com
Wasiiradii Xukumada Siilanyo Udirtay Xal Uhelida Colaada Labada Beelood Kudhex Martay Dararweyne Iyo Dogoble Oo Iyagii Beelihii Lakala Saftay Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo Wasiir Beesha Madaxweyne Siilanyo Kasoo Jeedaa Dhirbaaxay
September 21, 2016 - Written by Berbera Today

wasii-dhirbaaxoCeel Afweyn(Berberatoday.com)-Xukumada Madaxweyne Siilanyo ayaa ilaa hada  aan xal ka gaadhin Xaaladii murugsanayd ee keentay dagaalka labada Beelod ku dhexmaray Deegaamada hoos yimaada Degmada Ceel Afweyn ee dhiiga badani ku daatay.

Xukumada Madaxweyne Siilanyo ayaa dhawr jeer udirtay xubno wsaiiro ah oo xukumada katirsan deegaamadaas inay xal nabadeed ka dhaliyaan walise arinkaa laguma guulaysan oo waxaaba dhacday inay ku kala qeyb sameen Wasiiradii xukumada ee shaqaaqadaasi loo diray inay damiyaan dabkeeda colaadeed ee huraya.

Xubnaha Wasiirada ah ee udanbeeyay ee arinkaas xal uhelidiisa loo diray ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Dib Udajinta Cali Siciid Raygal, Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha Cabdirashiid Riya Raac,Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirk Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani. Wasiiradan ayaa ku kala qeyb samay arin loo diray inay nabad iyo waanwaan isugu keenaan Labada Jufo ee dagaalku dhexmaray dhiiga iyo dhagartana kala gaystay.

Wararka naga Soogaadhaya Ceel Afweyn ee lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wasiirka Dib Udajinta Cali Siciid Raygal Gacanta ulatagay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani oo uu waliba Wajiga ka dhirbaaxay madal shirweyne oo arin labada beelood lagaga hadlaayay magaalada Ceel Afweyn isaga oo Cali Siciid Raygal Ku eedeynaya inuu Wasiir Cadaani lasoo saftay Jufada Sacad Yoonis ee ay isku beesha yihiin,waxaana lagu kala kacay shirkii loo fadhiyay ee lagaga arinsanaayay joojinta colaada labada beelood kadib markii wasiiradii Xukumadu laka safteen beelihii dirirtu ka dhaxaysay.

Wasiir Cali Siciid Raygal iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xaananada Xoolaha oo labaduba kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ayaa iyaguna lasoo saftay Beesha Biciid ee Habar Jeclo halka ay wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani iyo Wasiirka Duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe lasoo safteen beesha Sacad Yoonis oo ay Isku Bah iyo beelba yihiin.

Sidoo kale Waxa isagu meel cidla ah istaagay wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu ah oday samatalis ah oo nabad kusoo dabaalid arinkan labada beeloodna daacad ka ahaa halka wasiirada kale wax uqarsoonaayeen.

kala Safashada iyo isu gacan qaadka Wasiirada Xalka loo diray ee kala qeybsamay ayaa keentay inuu gudoodi habeen hore ku tagto magaalada Ceel afweyn wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi si uu xal kale ugu raadiyo arinta cakiran ee hubka labada beelood isla horfadhiyaan wasiiradii loo dirayna kukala qeyb sameeyen dabkii colaadeedna sii shideen.

Ilaa hada Xukumada Madaxweyne Siilanyo hogaaminayaa wax war ah kamay soosaarin arinkaas wasiirada kala qeybiyay iyo waliba xalkii laga gaadhi lahaa colaada beelaha walaalaha ah ku dhexmartay halkaas.

 

Isku soo Wada duuboo dagaalka labada beelood ku dhexmaray deegaamada Dararweyne Iyo Dogoble ayay Xal uhelidiisa ku fashilantay Xukumada Madaxweyne Siilanyo sidoo kalena waxa ay ka qaaday Fadeexad ka dhex qaraxday wasiiradeedii umada kala hagi lahaa oo beelo ukala saftay iskuna fara saaray.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews