September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com)_ Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaanna ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu beeniyey warar ay warbaahinta qaar ka baahisay .
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin masuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ku hawlan hawlo ka dhan ah xisbiga Waddani isla markaana telefishanka Kalsan Tv oo isagu xalay warkaasi baahiyeyna laga raabo raali galin buuxda
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in masuulyiintan xalay telefishanka Kalsan uu sheegay in ay ku hawlan yahiin qorshayaal xisbiga lagu wiiqayo ay yahiin saraakiil xisbiga xilal sar sare ka haya isla markaana ay yihiin masuulyiin xisbiga tacabkooda galiyey