Danjire Cawil Oo Xisbiyada Mucaaridka Xasuusiyay Masiirka Umada, Ilaalinta Qadiyada Qaranka Iyo Isku Duubnida Shacabka
September 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Madaxweyne mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho, maadaama oo buu yidhi ay hore u balan qaadeen inay aqbali doonaan go’aanka uu soo saari doono Madaxweynuhu.
Danjire Cawil, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo sheegay in qaddiyadda saami qaybsigu tahay mawduuc xaasaasi ah oo u baahan in si degen looga baaraan dego. Cawil wuxuu ugu horayn isagoo ka hadlaya saami qaybsiga uu yidhi , “Umadu waxay wax ku noqotaa kalsoonida ay isu hayso, umadu way hagaastaa haddii ay madaxweynaha ay doorteen noqdo mid ay dawlado shisheeye wax u yeedhiyaan,