Dibad Baxyo Gilgiley Magaalada Charlotte Iyo Waxa Lagu Dalbanayo
September 22, 2016 - Written by Berbera Today
Charlotte(Berberatoday.com)-Dibed baxyo ayaa habeenkii labaad ka socda magaalada Charlotte ee Maraykanka, kuwaasoo ka dhashay dil ay booliska magaaladaasi u geysteen nin madow ah.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dad dibed bax ka dhigayay bartamaha magaaladaasi, isla markaana ka caraysan dilka ninkaasi.