Wardegdega:- Madaxweyne siilaanyo oo kulan ku qaabiley dalada SSE iyo Nuxurka wada hadalkooda….(Daawo Sawiro)
September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
DAAWO SAWIRRADA+AKHRI: War-saxaafadeed Laga Soo Saaray Kulanka Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo uu weheliyo Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Adan Cige (Deyr) ayaa 20.9.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dallada Guud ee kulmisa Jaaliyadaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan Qaaradda Yurub. Xubnaha weftiga waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallada SSE mudane Cabdiraxman Yasiin, Eng. Maxamed-Jibriil Balayax, Dr. Xuseen Cabdillaahi-Tanzani, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Axmed M. Ducaale. Xubnaha ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha si mug leh ugu bogaadiyeen wax-qabadka muuqda iyo horumarka aan la qarin karin ee ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay gaadhsiisay dalka JSL.
Suxufi Maxamed Baashe X. Xasan oo ku hadlayey afka Dallada SSE ayaa si qoto dheer oo far-shaxannimo leh uga warramay noocyada horumar ee kala duwan ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo dalka ka hirgelisay muddadaa uu hayey hoggaanka iyo talada dalka. Mudane M. Baashe horumarka uu soo qaatay ee Xukuumaddan ku suntan waxa ka mid ahaa: