Hargeysa”Istaannada Basaska Laga Raaco Oo Noqday Xerada Dhalinyarada Dadka Dhaca
September 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Goobaha ay ka rakaabsadaan Basaska iskaga kala goosha xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa noqday goobaha ay u soo tuugo tagaan Dhalinyarada Habeenkii Bulshada ka qaada Moobillada iyo alaabooyinka kale ay sitaan.
Goobahan oo aad u mashquul badan marka ay bulshadu raaceyso Basaska ayaa waxaa inta badan dadkaasi kusoo dhuuntay tuugta kuwaasi oo la baxsada Moobilada ay ka qaataan Bulshada rakaabka ah ee Basaska , waxaana imika dhalinyaradaasi ay bilaabeen in iyagoo Mindiyo sita ay baska dhexdiisa dadka kaga qaadaan ama ku dhacaan rakaabka.