berberatoday.com
Hooyo Soomaliyeed Oo Deriskeeda Ka Difaaceen Guri Si Qasab Ah Looga Saari Lahaa Dalka Britain (SAWIRO)
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Naciima Cabdullahi oo ah Hooyo Somaliyeed  ku nool magaalada Bristol ee wadanka UK ayaa warbaahinta wadanka Britain aad u hadal hayeen,iyadoo ay la soo darseen arin aad u yaab badan oo magaalada Bristol aan hore uga dhicin.

 

 

Naciimo iyo qoyskeeda waxay ku noolaayeen magaalada Bristol 12 sanno,iyagoo ka soo guuray wadanka Holland,gurigii iyada iyo qoyskeeda ay ku noolayeen wuxuu u baahday dayactir, kaasoo markii ay ku wargelisay milkiilaha guriiga “landlord” uu ku gacan sayray ka dibna maxkamad u soo diray si qasab looga saaro guriga.

thumbnail

Arintan waxaa ka war helay ururka ACORN oo u dooda xaquuqda dadka ku nool guryaha kirada ee magaalada Bristol,taasoo maalintii ay maxkamada guriga ka saari lahayd ay ka hortageen 30 qof oo ahaa deriska Naciima oo gebi ahaan aqalkooda si silsilad ah isugu wareejiyay.

Arintan ayaa ku qasabtay shaqaalaha maxkamada in ay gurigii ka saari waayaan Naciima iyo qoyskeeda.

thumbnail

Nick Ballard oo ah af-hayeenka Acorn Bristol ayaa warbaahinta u sheegay in arintan uu ku dhaqaaqay milkiilaha guriga iyo maxkamada ay tahay mid sharci daro ah oo aan la qaadan karin,qoyskan waa deriskeena sidaa awgeed waxaa nagu qasab ah inaan difaacno.

Baraha social mediyaha ayaa si aad ah looga hadlay arintan la soo deristay Naciima iyo qoyskeeda oo ka kooban 5 caruur.

thumbnail

Sawirro kala duwan oo warbaahinta ay soo gudbiyeen ayaa lagu arkayaa in gurigga ay qoyska Somaliyeed ku noolyihiin uu u baahan yahay dayactir aad u farabdan,taasoo milkiilaha uu ku gacan sayray.

Milkiilaha guriiga ayaa warbaahinta u sheegay in qoyska Naciima lagu leeyahay lacag 3000 lacagta Ingiriiska oo kirada gurigga ah iyo in fursado badan la siiyay si ay uga baxaan gurigga.

thumbnail

ACORN waxay ku qasbeen in maxkamada gadaal u dhigto dacwada lagu soo oogay qoyska Somaliyeed isla markaana loo helo guri munaasab ah oo ay ku noolaan karaan.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews