Hore waxa aynu u ogeyn Muuse Biixi iyo wixii kala qabsaday askarigii ilaalada Madaarka, waxa kale oo aynu oggeyn Muuse iyo wixii ay isla soo mareen taliyahii hore ee ciidanka Qaranka Somaliand Cismaan Dacas oo innoo sheegay in Muuse Biixi uu beertiisii ka qaaday.
September 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hore waxa aynu u ogeyn Muuse Biixi iyo wixii kala qabsaday askarigii ilaalada Madaarka, waxa kale oo aynu oggeyn Muuse iyo wixii ay isla soo mareen taliyahii hore ee ciidanka Qaranka Somaliand Cismaan Dacas oo innoo sheegay in Muuse Biixi uu beertiisii ka qaaday.
Sida ay ilo xog-oggaal ahi ii xaqiijiyeen Muuse Biixi waxa uu markii ba ka xanaaqay askarigaas hor istaagay ee ka celiyey in uu gudaha hore u galo xerada uu ilaalinayey askarigu, tanna waxa ay sababtay in Muuse Biixi uu taliye Fadal amar ku siiyo Maxamed Ibraahim Gonda-jare la soo xidho, sidaas ayaana muddo toddobaad ah uu hada ugu xidhan yahay saldhigga dhaxe ee Hargeysa.
Eheladdii iyo qaraabaddii askariga oo aan la soo kulmay waxa ay ii sheegeen in xafiis kasta oo dawladdeed oo ay tagaan ba uu u sheegaayey in ninkaas Askariga ahi uu u xidhan yahay Muuse Biixi amar la’aantii na aan la sii deyn karin.
Waar bi’ waayee miyeynaan “Hebel hebel buu u xidhan yahay” ku soo dhaafin dawladdii Siyaad Barre, mise Muuse wuxu muujinayaa ad-adkaanta iyo kali-talisnimadu ay qalbigiisa ugu weyn tahay.
Aheey ah, ardeydii Siyaad inta ay weli innoo talinayso guuli waa weli.!!.