Masuuliinta Carabtu Waxay Somaliland Ugu Sad Gooyaan Hanyaraanta Madaxda Somaliland Ee Ay La Kulmaan Ku Arkaan”Qeybtii 2
September 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Carabta gaar ahaan Masar iyo dawladaha Khaliijka iyo labadii kalidii taliye Mucamar Al-Qadaafi iyo Cali Cabdalla Saalex ee kala xukumi jiray Liibiya iyo Yaman ayaa waxay ka soo horjeedeen gooni-isu-taagii ay Somaliland May 1991 kula soo noqotay madaxbanaanideedii taasoo ay u arkayeen goosasho ama Infisaal oo ah kilmad aad u gashay qaamuuska erayada siyaasadeed ee afka Carabiga sanadkii 1961markii ay Suuriya ka baxday jamhuuriyadii ay 1958 kula midowday dalka Masar oo uu xiligaasi madaxweynaha ka ahaa Gamaal Cabdul Naaser. Hadaba dawladahii iyo xukaantii Carbeed ee sida gaarka ah uga soo horjeeday madaxbanaanida Somaliland ayaa waxa saameeyey isbadaladii iyo qalalaasihii sanadahan danbe ka dhacay guud ahaan mandaqadda Bariga dhexe gaar ahaanna Afrikada Waqooyi,Khailliijka iyo Badda Cas waxanay taasi dawladaha mandaqadahaasi ka dhex abuurtay soo-kala-jiidasho iyo is-gashaan-buursiyo cusub .Hirdankii horee jiray ee u dhaxeeyey xulafada ay kala hogaamiyaan Sucuudiga iyo Iran iyo dagaalka sanadkii dhaweyd ka qarxay Yaman ayaa waxa ka dhashay in xoogagaasi ay usoo jeedsadaan dhinaca xeebaha Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland oo ku taala buqcad istraatiiji ah oo laga kontarooli karo marinka koonfureed ee Badda Cas isla markaana dacalada la gaadha isku-darka biyaha Baxrul Carab iyo Badweynta Hindiya halkaasoo koonfurta bari kaga beegmaysa marinka isna muhiimka ah ee Hormuz.