Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wakiil Dawlada Jarmalku Usoo Dirtay Somaliland?
September 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xafiiskakisa ku qaabilay Danjire Markus Bollmohr oo ah safiir ku-xigeenka Dawladda Jarmalka ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ,Nairobi. Ugu horeyn madaweynaha waxaa uu soo dhaweeyay Danjire Markus. Madaxweyna Siilaanyo wuxuu ku amaanay doorka mug leh ee dawlada jarmalka ka qaadato mashaariida ay ka taageerto Somaliland ee xaga wadooyinka iyo biyaha.
Waxa kaloo Madaxweyne Siilaanyo madaxweynuhu uga mahad celiyay dawladda jarmalka kaalimadda iyo taageeradda dawladda jarmalku mar walba la garab istaagto jamuuriyadda Somaliland gaar ahaan xaga doorashooyinka iyo hayadda jarmalka GIZ qaadhaanka ay ku bixiso horumarinta wadooyinka dalka gaar ahaan wadada isku xidha kala baydha wajaale, berbera ilaa sheikh. Madaxweynuhu waxa uu u sharaxay wakiilka go’aankii uu ku kala qaaday labada doorasho,(baralamaanka iyo madaxtooyada).