“Dulmiga ,Tacadiga Iyo Kibirku Madaxnimo Maaha Ee Waa Cuqdad Xun Oo Qofka Ku Sifoobaa Aanu Ku Wanaagsanayn” Muj Cali Guray
September 24, 2016 - Written by Berbera Today
“Dulmiga iyo tacadiga iyo faaqa iyo kibirku madaxnimo maaha ee waa cuqdad xun oo qofka ku sifoobaa aanu ku wanaagsanayn in madax laga dhigto hadii uu noqdo waa la yaqaan nooca madaxnimadiisa oo waa kuwii dunida soo maray ee lagu hoogay. Askarigii isaga oon maxkamad la hor keenin ayaa marka uu Muuse cadho burburo la soo dayn oo iska tag la odhan”. Cali guray
Hargeysa(Berberatoday.com)-“BAGAANU IS LAHAYN BIYAAN QUBAY, Cajiib! Waa qiso runtii hadii ay u dhacday sida odayaashu u sheegeen naxdin iyo murugaba leh.
