Morocco Oo Dalbatay Dib Ugu Soo Noqoshada Midowga Afrika
September 24, 2016 - Written by Berbera Today
Morocco(Berberatoday.com)-Midowga Afrika ayaa sheegay in dalka Morocco uu si rasmi ah u soo dalbaday dib ugu soo noqoshada ururka.

Morocco ayaa isaga baxday Midowga Afrika 30 sanno ka hor ka dib markii labada dhinac uu dhexmaray muran ku saabsan Galbeedka Saxaraha.
Ururka Midowga Afrika ayaa gobolkaasi u aqoonsaday dal madax banaan halka Morocco-na ay u aragto Galbeedka Saxaraha inuu yahay gobol ka tirsna dalkaasi.