berberatoday.com
Suuriya”Biyo La’aan Ka Taagan Magaalada Xaleb Ee Dagaaladu Saamaynta Weyn Ku Yeesheen
September 24, 2016 - Written by Berbera Today

Xaleb/Suria(Berberatoday.net)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa sheegtay in dagaalka xooggan ee shalay ilaa xalay ka socday magaalada Xaleb ee dalka Suuriya, uu waxyeelo u geysteen goobihii ay magaaladaasi biyaha ka heli jirtay.

XALAUB

UNICEF ayaa sheegtay in dadka ku nool bariga iyo galbeedka Xaleb, ay wajahayaan xaalad adag oo biyo la’aan ah.

Afhayeen u hadlay hay’adaasi oo lagu magacaabo Kieran Dwyer, ayaa BBC u sheegay in shacabka Xaleb, gaar ahaan carruurta ay halis ugu jiraan xannuunada ka dhasha biyaha wasakheysan.

Waxa uu intaa raaciyay in dhinacyada isku haya dagaalka magaaladaasi ay biyaha u adeegsanayaan hub ahaan.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Ruushka ayaa midba kan kale ugu baaqay in xulafadiisa uu cadaadis ku saaro, sidii ay u joojin lahaayeen dhiigga ku daadanaya Suuriya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Moscow ay mas’uuliyad ka saaran tahay, sidii ay xukuumadda Suuriya u aqbali lahayd xabbad joojinta la qorsheynayo.

Waxa uu intaa raaciyay in taasi lagu kala ogaan doono go’aan qaadashada Ruushka ee ku aaddan colaadda Suuriya.

Balse wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Maraykanka aanu wax amar ah ku lahayn xooggaga xulafada la ah ee dagaalka kula jira xukuumadda Bashar al-Assad.

Sergei Lavrov ayaa tilmaamay in Bariga Dhexe uu la dhiigayo, waa sida uu hadalka u dhigaye, siyaasad xumid waddamada Galbeedka.

 

 

Sourec BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews