Xisbiga Wadani Iyo Waftigii Mareykanka Ka Socdey Maxay Ka Wada Hadleen ?
September 24, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa,(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isna ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa khamiistii kulan la yeeshay wefti ay dawladda Maraykanku u soo dirtay magaalada Hargeysa.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Cirro iyo Jirde, waxa ay weftigan oo ka koobnaa laba xubnood la yeesheen kulan saacad qaatay, waxaanay ka wada hadleen xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho, dibna ugu dhigay doorashadii golaha wakiilada.