berberatoday.com
“Xukuumadda Waxaanu Leenahay Dhex-baad U Tihiin Xisbiyada Siyaasadda Ku Murmaya Ee Dhinac Haka Rarina…” Sheekh Aadan-Siiro Daawo Muuqal
September 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha Dulmiga iyo sida reer Somaliland ugu baahan Caddaalad.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kula taliyey in aan dhan laga rarin Xalka loo raadinayo Khilaafaadka Xisbiyada Qaarkood ka dhexeeya iyo Dadka kale ee Siyaasadda ku murmaya, si aan Jihada Somaliland u socota dhibaato iyo khalkhal ugu imanin.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Inaad Arrimaha is-waydaariso adigoo xisaabtaadu tahay inaad guuleysato, adigoo guusha u arkaya in sida aad doonayso ay wax u dhacaan. Khudbaddani waxay xidhiidh toos ah la leedahay Isbeddellada ka socda Somaliland gudaheeda, kaas oo ay tahay in Dadka Caqliga, Cilmiga leh ee Doonaya inay Somaliland wax noqoto ay il-dheer ku eegaan isbeddellada jira, si ay Nabaddana u taageeraan, si Dalkuna Nabad u ahaado, in Dadku is-waydaartaana indho badan loo yeesho.”

Sheekhu waxa kale oo uu sharraxay Dulmiga, “Dulmigu waa adiga oo xaq-daro ugu Tasarufa Dadku waxay leeyihiin. Dulmigu waa adiga oo Beenta ka dhig Run, Runtana Been sida Maanta Dunida ka jirta, Dulmigu waa Shayga oo la dhigo meel aan meeshii ahayn, waa Adiga oo Xaqa ka gudba oo Baadilka Dadka u wanaajiya. Dulmiga waxa ka mid ah Shayga oo meeshii laga qaado oo meel kale la dhigo iyadoo wax laga reebayo ama wax lagu darayo ama in la dheereeyo (Wakhtiga) si Dadku ay u daalaan, Macnaha Arrin loogu talo-galay inuu wakhti (La yaqaan) dhaco ayaa la kordhinayaa, si Dadku u daalaan oo aanay Xuquuqdooda u helin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imaam Muslim ahaa ayaa yidhi, ILAAHAY wuxuu u gargaaraa Dawladda Cadaaladda fasha Gaalaba ha ahaatee, laakiin uma gargaaro Dawlad Dulmi ku heshiisay haba ahaadaan Muslimiine. Waayo ? Wanaaggii, Aqoontii iyo Khibraddii baan shaqeynayn, halkii aynu u soconay ee ahayd in Dalkan la badbaadiyo ayaa aad iyo aad ugu yar inta Maanta wax ku xidhan yihiin.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu ku taliyey in Xukuumaddu dhexdhexaad ka noqoto Murannada Xisbiyada Qaarkood ka dhexeeya, “Waxaanu kula talinaynaa inta Wanaagga iyo dalkani wax noqdo jecel in Ummadda Wanaag lagu kala saaro, hadday taasi dhici waydo waxay keenaysaa inay Faruuranto oo Dadku isticmaalaan inta ay wanaagga moodayaan. Xukuumadda waxaanu sheegaynaa dhex baad u tihiin Xisbiyada ama Dadkaa siyaasadda ku murmaya ee dhinac haka rarina, Waayo? Nin meel Cidlo ah ka soo jeedaa ma jiro oo Dadkaa murmaya oo dhan Qof walba Ummad baa daba taagan, markaa haddii la leexiyo oo wixii Caddaalad waayaan waxay keenaysaa in wixii innaga khaldamaan..”ayuu yidhi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews