berberatoday.com
Abwaan Siciid Maxamud Gahayr Oo La Hor Keeney Maxkamada Iyo Xeer Ilaalinta Oo Dalbatey Xadhiga Maamulaha Madaarka Hargaysa
September 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Sabtidii Maanta la hor-keenay Qoraa/ Macallin/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo 36 maalmood Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa ugu Xidhan Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii Maqaal uu qoray oo ay dhibsadeen Agaasimaha Wasaaradda Duulista Somaliland iyo Maamulaha Madaarka Cigaal, kaasoo sababtiisa loo xidhay.

gahayr

Fadhiga Maxkamadda ee Dacwadda Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ahayd mid furan, waxaa dhegaysigeeda ka qaybgalay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Ehelladda Abwaan Siciid iyo sidoo kale Weriyeyaal ka hawlgala Hay’adaha Warbaahinta qaarkood, Xeer-ilaalinta, Garyaqaanno, Qorayaal, Abwaanno iyo Xubno kale.

Xeer-ilaaliye Farxaan oo Akhriyey eedda loo haysto Macallin/Abwaan/Qoraa Siciid

Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), oo uu ku sheegay kicin dadweyn iyo inuu digniin Amni u diray, Diyaaradaha Itoobiya iyo Fly Dubai. Eeddaas oo uu Siciid Gahayrna iska difaacay, isla markaana ku dooday inaanu qabin gebi ahaantoodba eedahaas Maxkamadda laga hor akhriyey.

Hase-yeeshee, Siciid Maxmauud Gahayr, ayaa qirtay inuu Maqaal uu qoray kaga faallooday arrimaha kala ah, Shaqaalaha Madaarka, goob Dakhliyeed ku taal Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo sidoo kale arrimaha ku taxalluqa Shaqaaleynta Shaqaalaha Cusub ee Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal iyo qaabka loo qaato ama lagu qoro, isla markaana in uu fikirkiisa cabbiro Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u Dammaanad-qaaday isaga iyo Muwaaddiniinta kale ee reer Somaliland-ba oo Qalin, Hadal iyo Sawir intaba ku muujin kara aragtidooda.

Geesta kale, Maxkamadda ayaa dhegeysatay eedda Xeer-ilaalinta, halkaana ka caddaysay in Maamulaha Madaarka Hargeysa uu Markhaati ka yahay Kiiskan. Balse uu si cad uu diiday inuu hor-yimaaddo Maxkamadda Sharafta leh, isla markaana isagu hore Booliska uga soo dalbaday in la xidho Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).

Hase-yeeshee, waxay markaas ka dib Xeer-ilaalintu dalbatay in Xabsiga loo soo taxaabo Maxamed Yuusuf oo ah Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal, haddii uu fadhiga 2-aad ee Dacwadda diido inuu yimaaddo Maxkamadda horteeda, maaddaama uu isaga u xidhanyahay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

Waxaanay markaas ka dib Maxkamaddu muddaysay in Dacwaddan mar kale loo fadhiisan doono 27 September 2016 oo ah bishan aynu hadda ku jirno ee socota. Sidaas ayaanu ku xidhmay fadhiga Sabtidii Maanta(shalay) ay Maxkamaddu u fadhiisatay ee Dacwadda awood-sheegashada ah ee loo haysto Abwaan/Qoraa/Macallin Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews