Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Kulan Deg Deg Ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Gudida Doorashoyinka Somaliland .
September 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com-)-Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa u maanta kulan deg deg ah isku yeedhay madaxda saddexda xisbi qaran ee Somaliland iyo gudida doorashoyinka .
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xisbi walba masuulyiintii ka socotey uu mid mid ula kulmey isla markaana waxaa ay ka wada hadleen sida ay u arkaan go,aanka madaxweyne Siilanyo ku kala qaadey labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada .
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaaa uu kulan gaar ah la yeeshay gudida doorashoyinka Somaliland isla markaana waxaa uu dhinacooda weydiiyey sida ay u arkaan kala qaadista labada doorasho .