berberatoday.com
Halkan Ka Akhriso”Aqoonyahan Liis Kusoo Bandhigey 29 Goobood Oo Hanti Qaran Ah Oo Xukuumada Kulmiye Xaraashtey+Maxaa Ka Run Ah?
September 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

m-siilaanyoyyy (1)Iyada oo Xukuumada Siilaanyo uu mudo xileedkeedii 5-ta sanadood ahaa iyo Maandheydkeedii shacabku siiyey uu ka dhamaaday Taariikhdii 27/7/2015. Iyada oo hada ah Dawlad Madhan oo ku meel gaadh ah oo mudo kordhin kursiga ku fadhida si ay Doorasho xor ah oo xalaal ah ay dalka u gaadhsiiso 28/3/2017. Sidaa daraadeedna aanu Dastuurka Qaranka Somaliland u fasaxeyn in Dawlad aan Dastuuri aheyni iibin karto ama kireyn karto Hantida Maguuraanka ee Qaranku wada lahaa. Iyada oo aan haba yaraatee la waafajin dastuurka iyo shuruucda wada qabyada ah ee dalka u yaala ee ku soo aroora xeerbaa qeexi doona. Iyada oo aan haba yaraatee aan goobna loo sameyn xeerar iyo xeegaano lagu dhaqo, lagu maamulo oo hadii la is qabto lagu kala saaro. Iyada oo aan shacabka reer Somaliland marna laga qancin Baahiyaha Kalifay in dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo hantidii maguuraanka aheyd ee shacabka JSL wada lahaa lawada xaraasho. Iyada oo aan la naadin, loona tar-tamin oo aan loo soo ban dhigin suuqa xorta ah si loo bidhingareeyo oo tar tan xalaal ah loogu tar-tamo. Iyada oo aan dhamaan laga dhigin Mashaariic horumarineed oo dhalinyarada shaqooyin u abuuraaya taas oo agaasinkeeda iyo odoroskeedana ay og yihiin Goleyaasha Wakiiladu sida ( Guurtida iyo Baarlamaanku ) ayaa Xukuumada Somaliland ku tagri fashay dhamaan liiskan hoose oo ah hantidii Qarnka, dhitadii, dhaxalkii iyo dheeftii Qaranka Somaliland oo dhami wada lahaa:
1- Dekeda Berbera oo DPW iyo Ethiopia u heshiiyeen Xukuumadiina Xaqal qalin ka qaadatay.
2- Wershadii Sibidhka ee Berbera oo xaalkeeda laga dheregsan yahay
3- Wershadii Leydhka ee Hargeysa
4- Wershadii Leydhka ee Berbera
5- Guryihii dawlada ee shacabka oo gaadhaaya ilaa 520 guri oo la xaraashay
6- Xaruntii Netfishka ee Berbera
7- Leynkii Booliska ee Hargeisa
8- Xabaalo la iibiyey sida Xabaalaha Dal-jirka Dahsoon ee Hargeisa
9- Kaalin Shidaal oo la iibiyey sida Kaalinta Shidaalka ee Dawalada Hoose ee Hargeisa
10- Masaajid la sigay in la iibiyo lakiin Hadh-qoodaarkiisii iyo Parking kiisii la iibiyey sida Masaajidka Gobolka ee ka soo horjeedka Xisaabaadka Guud.
11- Xafiisyo La iibiyey sida Xafiiskii Wasaarada Duulista Hawada ee Hargeisa oo shaqsi ku tagri falay.
12- Lane kii Police ka ee Caasimada Hargeisa oo la iibiyey
13- Gandhi–Libaray oo sife xaqdaro ah loogu wareejiyey shaqsi cokan laakiin weli huursan
14- Xanaanooyinkii Caruurta sida ta Hargeisa oo la xaraashay
15- Sariibadihii iyo Suuqyadii Ganacsiga ee dawlada oo lagu tagri falay sida Sariibada Octobar iyo Sariibada Kood buur.
16- Buurta Gacan Libaac oo Sheikh Carab ah laga baayacay laakiin lagu dhici la yahay ilaa hada oo loo dhabacanaayo.
17- Buurta Qaras-gooye oo Sheikh carbeed lacag lagaga qaatay
18- Xeryihii Ciidamada oo la xaraashay sida Xeradii Taraafikada ee Hargeisa
19- Xero Dhiigtii Caasimada Hargeisa oo aad ogeydeen labadii maalmood ee aan xoolaha la qalin wixii ka dhacay Hargeisa
20- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag ah looga kireeyey
21- Bir-libaaxdii dalka taalay oo dhan (all scrubs) oo cagta iyo carabka la mariyey laguna qulaamiyey shaqsiyaad gaar ah.
22- Liisanka Baabuurta ee Qaranka oo shaqsi aan u tartamin si gacan-wadaag ah loogu naaxiyey
23- Isbaaradii Baabuurta loo dhigtay Dekeda Berbera ee Barlamaanku dirqi ku Furdaamiyey
24- Warqadii wado marista ee Dalka ” Road Tax ” oo shaqsi shirkad sheegta sife gacan wadaag loogu naasnuujiyey.
25- Passporkii qaranka oo Xildhibaano Mooshin quutayaal ah lagu qulaamiyey
26– Haamihii keydka Shidaalka ee Berbera oo lagu wareejiyey shaqsiyaad sheerley ah, shirkado sameys ah iyo shirkado dhabarka laga soo taabtay
27- Womens Club kii Haweenka Caasimada Hargiesa oo Ganacsade xukuumada ku lingaxan laga iibiyey iyada oo baahi badan Haweenku u qabaan goobtaa.
28- Xeebta Awliyo -Koombo oo 15 km ka xigta Xeebta Galbeedka magaalada Berbera oo Isbahaysiga Carbeed Malaayiin Dollar lagaga baayacay dhawaan.
29- Madaarkii Berbera oo si qarsoodi ah loogu wareejinaayo dhawaan Isbahaysiga Carbeed, kaas oo saameyn taban ku yeelan doona Amniga JSL.

Maanta Xukuumada Siilaanyo waxaa recordka u galay oo bar madow, Laf jab iyo fadeexad qaawan ku ah in ay kooto dhabar taabasho ah ay shaqsiyaad gaar ah uga soo cumaamado Xeyndaabka Madaxtooyada oo ay u xidho kuna wareejiso Dhamaan agabkii, anfacii, mooradii, magantii, muquunadaii, ilihii dhaqaalaha iyo Hantidii maguuraanka aheynd ee ummaddu Somaliland oo dhami wada laheyd.( Monopolistic Economy ) .Maanta waxaa dhacday in xukuumada jirtaa ay dhamaan wixii shuruuc iyo dastuur inoo yaalay ay kula dagaalanto awood kooban oo kooxaysan kuna dhooqeyso awood dawladeed oo mujtamacii ay indhahooda ku wada daawanayaan. Dhamaan liiskan sare oo ah hantidii maguuraanka aheyd ee Qaranka JSL Xeerna laguma Wareejin, Xeegaana laguma wareejin, Qandaraasna lama marin ee waxaa sife gacan-wadaag ah oo qusum iyo qoon ah loogu wareejiyey Shirkado sameys ah iyo shaqsiyaad macaash doon ah oo dhabarka laga soo taabtay. Waana iyaga iyo Allahood !!!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :C/raxmaan fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews