Madaxwayne Silaanyo Ayaa Tacsi U Diray Marxuum Cali Buraale Raage Oo Hargeysa Ku Geriyooday
September 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Tacsi Madaxwayne Silaanyo U Dirayo Marxuum Cali Buraale Raage Ayuu Nuqul Kamid Ahi Soo Gaadhay Xafiiska Wararka Ee Baligubadle Media Waxaanu U Dhignaa Sidan

TACSI MADAXWEYNE-25/09/2016
N-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Waxgaradka, waayeelka, Aqoon yahanka, madaxda dhaqanka, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Eheladii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cali Buraale Raage oo ku geeriyooday Maanta“25/09/2016” Hargeysa.