berberatoday.com
SANAAG: Maleeshiyo-beeleedyo Uu Dhex Maray Dagaal ‘Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay Ah’ Oo Weli Ciidammada Qaranku Kala Hor-joogaan
September 25, 2016 - Written by Berbera Today

Xukuumadda Oo Dusha Ku Qaadatay Khasaarihii Ka Dhashay Gurmadkii Ciidammada Qaranku Ku Kala Badbaadinayeen Maleeshiyo-beeleedyada

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa kala dhex fadhiya Maleeshiyo-beeleedyo uu Doraad Dagaal ku dhex maray Deegaanka SIN-CARRO oo ka tirsan degmada Ceel-Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalka labada Maleeshiyo-beeleed ku dhex maray SIN-CARRO oo ku xidhiidhsanaa dagaallo bishii hore laba beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaannada Bacaha, Dogoble iyo Dararweyne oo dhammaantood ka tirsan Degmada Ceel-Af-weyn, ayaa waxa ku dhintay Laba Qof, waxaana ku dhaawacmay laba kale.

Dagaalka SIN-CARRO oo qarxay Hal Maalin ka dib markii Xukuumaddu shaacisay in laga heshiiyey Dagaalladii hore oo ay ku dhinteen Dad ka badan Toban Ruux, ayaa waxa Maleeshiyaadka Dagaalamay kala dhex galay Ciidammada Qaranka, kuwaasi oo illaa hadda kala hor-jooga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa nasiib-daro ku sheegay Dagaalka SIN-CARRO ka qarxay oo xidhiidh la leh Dagaalladii foosha xumaa ee Labada Beelood ee Walaalaha ah dhex maray bishii hore.

“Iyadoo Nabadgalyadii Gacanta lagu qabtay, ayaa Shalay (Doraad) dhacdooyin Nabad-daro ahi ka dhaceen deegaanno aan ahayn kuwii ay hore wax uga dhaceen, sababihii ay u dhaceen iyo Ciddii ka dambaysay baadhis baanu ku haynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, oo uu sharraxay gurmadkii Ciidanka Qaranku ka galeen Colaadda SIN-CARRO, “Ciidanku Qaranku markiiba wuu u soo gurmaday (Meesha labada beelood ku dirireen), inkasta oo meeshaa laba Qofna ku dhinteen, laba kalena ku dhaawacmeen. Haddaan Ciidanka Qaranku soo gaadhin Maanta Meyd badan baa la tirin lahaa, dhiig badanna wuu quban lahaa. Ciidanka Qaranku sidee bay ugu dhex jiraan (Maleeshiyaadka Beelaha ee Dagaalamay).”

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay in Dawladda qaadatay Masuuliyadda Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi oo uu tilmaamay inay dhici karto in Xabadihii Ciidanku ridayeen markay kala kaxeynayeen labada Maleeshiyo-beeleed ay sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah, “Waxaan doonayaa inaan sheego inay Dawladdu qabto wixii khasaare ah ee Shalay (Doraad) dhacay oo Dadkii (Waxyeeladu gaadhay) qaarkood ay dhici karto in Ciidanku sabab u ahaayeen, markaa Dawladda ayaa Dummadeeda qaadanaysa khasaarihii meeshaa ka dhacay oo ahaa laba Qof oo dhintay iyo laba Qof oo dhaawacmay. Maaddaama oo Ciidanku uu kala badbaadinayey (Beelaha Dagaalamay) ay dhici karto in Xabado uu leeyahay Ciidanku ay waxa Khasaaraha geystay ka mid yihiin, markaa khasaarahaa Dawladdu iyadaa Xilkeeda qaadday.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aanay waxba iska beddelin Go’aamadii lagu xalliyey Colaaddii hore ee Ceel-Af-weyn, “Go’aannadii iyo Awaamiirtii hore Dawladdu uga soo saartay (Dagaalladii tuulooyinka hoos taga Ceel-Af-weyn) wax alaale iyo wax iska beddelay ma jiraan oo waa sidoodii, siday Dawladdu ugu talo-gashayna way u soconayaan..Cid kasta oo Nabad-galyo darada ka qayb-qaadanaysa la qaban doono, la xidhi doono, la khasiri doono, la burburin doono, hadday tahay Gaadiidka ka qayb-qaata. Wixii gaadiid ah ee la qabto iyagoo Fidmada ka qayb-qaadanaya ee la qabto waa lala wareegayaa ama waalla burburinayaa..”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews