Siyaasi Ka Soo Jeeda Gobalka Awdal Oo Hada Shaaciyey In Uu Yahay Musharax U Tartami Doona Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Waddani
September 25, 2016 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Siyaasi ka soo jeeda gobalka Awdal oo saxaafada iminka kula hadley magaalada Borama ayaa waxaa uu shaaciyey in uu yahay musharax u taagan qabashada jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani
Siyaasigan oo lagu soo magacaabo Cabdirisaaq Cali Cismaan isla markaana ahaa Ex Wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland ayaa waxaa shaaciyey in maanta laga bilaabo uu shaacinaayo hankiisa musharaxnimo isla markaana uu golaha dhexe xisbiga ka codsanaayo in ay codkooda siyaan
Siyaasi Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa waxaa uu xisbiga Waddani ku soo biiray bishii labaad ee sanadkan waxaana uu noqonayaa siyaasigii shanaad ee ka soo jeeda gobalka Awdal ee ka sanqadhiya in uu u tartami doono qabashada jagada msuaharaa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani .