War Deg Deg Ah”Xukumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Sakaaro
September 25, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(berberatoday.com)-Ciimada amaanka ee magaalada burco ayaa caawa fiidkii Saldhiga dhexe ku xidhay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ahna gudoomiyihii Wargeyska Codka Shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)
Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Saxaafada Somaliland ee SECJA ayaa waxa la sheegay inuu amray Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale oo amar afka ah soo faray Ciidamada Booliska ee uu Xukumo.