berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Xukumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Sakaaro
September 25, 2016 - Written by Berbera Today

sakaaro-300x158Burco(berberatoday.com)-Ciimada amaanka ee magaalada burco ayaa caawa fiidkii Saldhiga dhexe ku xidhay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ahna gudoomiyihii Wargeyska Codka Shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)

Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Saxaafada Somaliland ee SECJA ayaa waxa la sheegay inuu amray Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale oo amar afka ah soo faray Ciidamada Booliska ee uu Xukumo.

Sidoo kale waxa wariyahan lagu xidhay sife sharciyada dalka uyaala baalmarsan iyada oo aan lagu xidhin waaran maxkamadeed sida sharcighu jidaynayo balse lagu xidhay amar afka Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Togdheer sida uu nboo sheegay Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)markii lagu sii waday Saldhiga dhexe ee uyu hada ku xidhanyahay.

Ilaa hada lama cadaynin danbiga wariyahan loo xidhay iyo sababta keentay xadhigiisa Taliyaha oo aanu isku daynay in aanu xadhiga suxufigan wax ka weydiino ayaanay noo suurgalin in aanu helo.

Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA Axmed Sakaaro ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili gacanta lagu soo dhigay mid kamida ragii dhaawacyada halista ah magaalada Burco kugaadhsiiyay bishii tobnaad ee sanadkii hore oo lagu magacaabo Afcas kaasoo dhawaan isaga iyo nin kale nin ku khaarajiyay deegaanka Godorka oo hadana ku xidhan Xabsiga Burco.

Axmed sakaaro

Axmed Sakaaro oo isla maanta safarka kaga Yimi magaalada Hargeysa una tagay magaalada Burco Dacwada ninkaas naftiisa halista galiyay ee lasoo qabtay ayaa islamarkiiba xabsiga looo taxaabay.

Inkasoo aan la cadaynin cid ka dambaysa xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ayaa hada waxa warar hoose ay sheegayaan inuu xadhigiisa ka danbeeyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo amarka xadhigiisa soo bixiyay isaga oo ka daba socday qoraalo iyo warbixino uu dhibsaday oo Xukumada uu ku dhaliilayo oo uu baahiyay.

Sidoo kale Waxa uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka daba socday Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA jawaab adag oo uu ka bixiyay Hadaladii Qadafka ahaa ee dhawaan uu wasiirku ugu hanjabaayay saxaafada Somaliland.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews