|
berberatoday.com
Ciidamo Gadoodsan Oo Qabsaday Bangiga Dhexe Ee Magaalada Garoowe
September 26, 2016 - Written by Berbera Today
Ciidamadan, ayaa waxay ka cabanayan mushaaraad la’aan 7-dii bilood ee ugu dambeysay, taasina ay dhabaha u xaadhay qorshaha ay ku galeen Bankiga Dhexe. Arrintan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in xiisad ay ka abuurtay Xarunta MaamulkaPuntland ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay dadku aad u hadalhayaan. Suxufiyiinta Magaalada Garoowe, ayaa soo sheegaya in Ciidamada SirdoonkaPuntland, ay halkaasi ka eryeen dhammaanba shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneydba. Suxufiyiinta, ayaa sidoo kale soo sheegaya inaanay Ciidamadu u gudbin dhinaca khasnadda Bankiga Dhexe, marka laga reebo in ay la wareegeen Dhismaha Baanka. Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in uu socdo dadaalo lagu doonayo, sidii Ciidamada PIA-da dib looga saari lahaa Bankiga Dhexe. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Madaxda Maamulka Puntland, oo ku aadan tallaabada ay Ciidamada PIA-da gudaha ugu galeen Bankiga Dhexe Garoowe.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|