berberatoday.com
Faallo:yaa ku guuleystey Dacwaddii Xisbiga UCID?
September 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxaa dhowrkii bilood ee ina dhaafey Dacwad xagga Sharciga ahi ka aloosneyd Xisbiga UCID Gudihiisa iyada oo ay soo martey Marxalado kala geddisan Aakhirkiina ay soo gaadhey halkii ugu danbeysay oo ah Maxkamadda sare ee Jamuhuriyadda Soomaliland.Waxa Dad badan oo Reer Soomaaliland ahi Rajo wanaagsan ka muujinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ah Nin Dhalinyaro ah wax bartey laguna majeeraney in uu isbebel la taaban karo ka sameeyey dhinaca Garsoorka Muddadii yareyd ee uu Xilka hayey.Waxa Dadka aqoonta u lihi ku sheegeen in uu yahey Nin Go,aan qaadasho leh,Hase yeeshee Go’aankii Taariikhiga ahaa ee uu Maanta Guddoomiyuhu ridey waxa ay hal-bacaad lagu lisey ka dhigtey Hankii loo hayey ka dib markii uu Mar labaad isa sudhay Gud:FaysaL Cali Waraabe iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen Go,aanka uu Gaadheyna yahey mid aad ugu eeg kii Beesha Hawiyey u qaaddey Sannadkii 1993 Cali Mahdi iyo General Caydiid Go,aan kaas oo ahaa Caydiid na Gar leh Cali Mahdina Gar leh Taasi oo Magaalada xamar dhaxal siiyey Natiijo aan la mahadin.
Waxa isla Saacaddii Xukunka UCID lagu dhawaaqeyba dib u istaadhmey Murankii Labada Garab oo mid waliba uu sheegtey in uu Guulo la taaban karo soo hooyey Natiijadii soo baxdey.Su,aasha la isweydiin karaa waxa weeye, Maxaa ku kellifey in Gud:Maxkamaddu uu Go,aan Cad ugu kala saari waayo Muranka ragaadiyey Xisbiga UCID ee uu u qaatey go,aanka Madhaleyska ah ee aan soo afjari doonin Khilaafka Ba,an ee Xisbiga ka dhexjira.Sida ay ila tahey Gud: Maxkamadda waxa Culeys weyn kaga yimi dhinaca Madaxtooyada oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha iyo Marwadiisa waxa kale oo Culeys aan la qiyaasi karini kaga imanayey dhinaca Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi oo aan odhan karo waa Shakhsiga isagu ku guuleystey Go,aankii Maxkamadda ee Maanta dhacey ka dib markii uu soo af-jarey Loolankii ka dhexeyey isaga iyo Jamaal Cali Xuseen.Loolankaasi oo ka jirey Gudaha Beesha ay ka soo wada jeedaan Taasi oo Micnaheedu yahey in aanu Xisbiga UCID awoodin tartanka Madaxtinimada ee dhici doona bolowga Sannadka 2017,Muranka iyo isqabqabsiga UCID na uu taagnaan doono illaa maalinta loo dareeri doono Doorasha Madaxtinnimada Rajadii Jamaal na halkaa ay ku soo ururutey.

ibrahim deria
ibrahimderia@yahoo.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews