berberatoday.com
Faysal oo marin habaabiyay qaybo ka mid ahaa go’aanadii ay maxkmadu gaadhay
September 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Kaddib markii Shalay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ahi go’aan kama danbeys ah kasoo saartay khilaafka u dhexeeya labada garab ee Xisbiga Ucid, oo ay ku amartay Maxkamaddu labada garab inay qabsadaan shirweyne lagu ansixinaayo heshiiskii labada garab ee Ucid, isla markaana Maxkamadda caddaysay guddida qaban-qaabadda inay hirgelin doonaan labada garab si isle’eg. Waxa go’aankaa qaybo kamid ah marin habaabiyey Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo buriyey qaybo kamid ah Xeerka Xisbiga Ucid ee Maxkamadda akhriday §Qoddobka 26aad Banaanta Hogaanka Sare ee Xisbiga b. Sadexda Gudoomiye ku xigeen, waxanu si toos ah Gudoomiye Faysal Cali waraabe u duray Qodobada awoodda Gudoomiye ku xigeenka saddexaad xisbiga Ucid Cali guray kaga mid yahay hoggaanka sare ee Xisbiga Ucid.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu si badheedh ka muuqdo ula baydhay shaqadda shirweynaha xisbiga Ucid ee ansixinta heshiiskii Xisbiga Ucid kusoo baxay, waxanu sheegay in lagu diidi karo ama lagu ansixin karo heshiiskaa. Arrintaa isaggoo ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Intaa laga talaabsado Xeerka la yidhahdo Wax aan jirin hala sameeyo (Heshiiska)…inay an sixiyaan, inay diidan heshiiska sidaasan u horgeynaynaa. In shirweyna aan caadi ahayn la qabtaa loo raaca Xeerka, hoggaanka xisbiga waa intii lagu doortay shirweynihii xisbiga Ucid ee heshiiska ka hor, waxana ka jooga aniga iyo xoghaye ku xigeenka Xisbiga. Wixii kale aan intaanu maqnaa anu magacawnay ee naloo siiyey awoodda. Heshiiska waxaan horkenaynaa shirweynaha inay ansixiyaan iyo inay diidan, wax maxkamada la geeyo, wax Cabdirisaaq Ciyaale loo geeyo guruubkiisa mabay ahayn. Anigu Facebook-ga ma galo, heeso la iima qaado, Ninkaa Musharraxa ah (Jamaal Cali Xuseen) weligay 10-saacadood maanaan wada fadhiisan”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Geesta kale, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa isna mar uu caddayey shaqadda u taalla shirweynaha waxa ay tahay waxa uu yidhi “In xisbiga Ucid qabsado shirweyne aan caadi ahayn muddo 60-maalmood ah oo ka bilaabantaa 25-ka bishan. Sida uu dhigaayo qodobka 25aad xeer14-farqadda 2aad 2011. Si loo hirgeliyo heshiiska labada dhinac ay wada-galeen”.

Labada hadal ee Faysal Cali waraabe iyo gudoomiyaha Maxkamadda ayaa si cad isku khilaafsan waxana muuqata marin habaabin ka muqata hadalka Faysal oo isaggu Diidmo hordhigay shirweynaha, halka Xukunka Maxkamadda kasoo baxayna yahay fulin waajibaadkiisa shirweynuhu kaga gudanaayo”. Waxana muuqata in dubrkaa muran mar kale kusoo cusboonaaday labada garab iyo sidoo kale tafsiirka maxkamadda qoloba jiho ula kacday.

Haddaba, maxaa uu yahay qodobada kasoo baxay labadii Xukun ee Guddida diiwaangelinta Ururadda iyo sidoo kale Maxkamadda sare, waa kuwan qodobada ay soo kala saareen kuwaadii is ajidsanaa.

Maxkamadda sare waxay sidoodii u daysay afar qodob oo kamid ah Xukunkii hore ee guddida Diiwaangelintu soo saartay kuwaasoo dhigaayey sidan. 4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
5. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo.
Halkaa ay maxkamadda soo saartay qodobadan cusub oo iyana u dhigan sidan. 1 in shirwaynaha Xisbiga Ucid lagu qabto muddo lixdan cisho ah.
2 In gudida qaban qaabada oo ka kooban toban xubnood
loo qaybsado si isleeg (shan iyo shan ).
3 In Ergada la xulayo loo raaco xeerka xisbiga.
4 Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka laga ansixiyo shirwayne aan caadi ahayn.
5 Go’aanka ugu dambeeya waxaa iska yeelanaya hogaanka xisbiga
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamada sare xukunkeedda kumay caddayn cida dhex u noqonaysaa labada garab hadii ay isfahmi waayan inay tahay guddida Diiwaangelinta iyo Maxkamada.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews