Madaxweyne Silaanyo oo Fiid ka Caraabay Magaalada Hargeysa Diyaarad Khaas ah na ka Qaatay +Dalalka uu ku waajahan yahay Akhriso Faahfaahinta.
September 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Silaanyo oo Fiid ka Caraabay Magaalada Hargeysa Diyaarad Khaas ah na ka Qaatay +Dalalka uu ku waajahan yahay Akhriso Faahfaahinta.
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo Galabta Diyaar Khaasa ka Raacay Madaarka Egal International Airport Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.