Maxkamada Gobolka Togdheer Oo Todoba Maalmood Oo Udirtay Xabsiga Burco Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Sakaaro
September 26, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa maanta todoba maalmood oo Xadhiga ah uidirtay Gudoomiye Kixigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA ahna Gudoomiyihii Wargeyska Xayiran ee Codka Shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro).
Maxkamada Gobolka Togdheer iyo Xeer ilaalinta gobolkaas ayaa ku eedeeyay Wariye Axmed Sakaaro dacwada dhibane kayahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi taasi oo la xidhiidha jawaab uu Axmed sakaaro ka bixiyay hanjabaad iyo hadalo xajiin ubadan oo Wasiirka Madaxtooyadu kula kacay Suxufiyiinta Madaxbanaan ee Somaliland taas oo wasiirku kutilmaamay budhcad ku qawlaysta qalinka dalkana uu ka xoreyn doono.