berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Ku Baaqday In Xoriyadiisa Loo Sii Daayo Wariye Axmed Sakaaro Oo Burco Ku Xidhan
September 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga Suxufi Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro) oo 25kii September 2016 lagu xidhay Magaaladda Burco. Waxaa lagu eedeeyey kicin isaga oo suxufiyiinta ugu baaqay insay is-difaacaan, sida uu Xarunta u sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer Axmed Maxamed Guutaale.
Axmed Sakaaro wuxuu dhowaan canbaareeyey hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu ugu hanjabay in laga xoraynayo dalka wuxuu ugu yeedhay suxufiiyinta sida budhcadda u shaqaysa. Isaga oo u jawaabaya Wasiirka, Axmed Sakaaro wuxuu ugu baaqay suxufiyiinta inay feejignaadan oo is ilaaliyaan.
Lix suxufi oo kale ayaa dacwado ciqaab ahi kaga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Lixdaas suxufi oo kala ah Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafatiraha guud ee Foore, Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad, Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha guud ee Hubsad, iyo Muuse Faarax Jaambiir, gudoomiyaha wargeyska Ogaal.
Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa in warbaahintu ay madaxbanaan tahay isaga oo mamnuucaya fal kasta oo lagu cabudhinayo. Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay ilaaliyaan xorriyadda warbaahinta.
Xadhiga loo gaysanayo suxufiyiintu wuxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Hadalada dawladda ee ku saabsan saxaafaddu waa kuwo dhiillo leh. Xorriyadda warbaahintu maaha khatar islamarkaana maaha hadiyad. Waa xaq dastuurku damaanad qaaday.
Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Axmed Muuse Sakaaro, ayna laasho dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeysa Somaliland
Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews