berberatoday.com
Ma Xalaal Baa Mise Waa Xaaraan Lacagtii Maayiradu Ugu Deeqeen Ololaha Siyaasadda Muuse Biixi W/Q. Dr’s. Xaliimo G.Warsame
September 27, 2016 - Written by Berbera Today

Habeen hore, kulan qaadhaan olole looggu ururinaayey Muuse Biixi oo ay isku gu yimaadeen in gaara oo ay hayb wadaagaan, ayaa waxa Maayirada Hargeysa, Berbera iyo Gabiley ba ay ku dhawaaqeen in midkii ba uu ololaha siyaasaddeedda ee uu kursiga Madaxweynenimo ku doonaayo Muuse Biixi ay kaga qeyb-qaadan doonaan lacag ka badan 30,000 dollar.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-oggaal ahi ama ay soo bandhigtey warbaahinta qaar, waxa si cad u soo baxday in Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko uu kulankaas kaga dhawaaqey lacag dhan 20,000 dollar, halka Maayirka Berbera uu isna ku yaboohay in uu ololaha uu gelaayo Muuse Biixi uu ku bixinaayo $10,000 dollar oo weli ba hordhac sii ah, Maayirka Gabiley isna waxa uu ku dhawaaqay lacag gaadheysa dhowr kun oo dollar.
Kulankan oo ahaa mid qaab beelaysan loo soo abaabulay isla mar ahaantaana uu dhex fadhiyey Muuse Biixi, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey urur reereed uu guddoomiye ka yahay agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Ilkacase halka uu guddoomiye ku xigeena uu ka yahay nin la yidhaahdo Xasan Shahar oo ka tirsan xildhibbaanada dawladda hoose.
Hadda, waxa aan doonayaa in aan yar dul istaagno lacagta lagu bixiyey ama laga ga dhex yaboohay kulankaas iyo weli ba ninka lacagtaas qaadanayey ee loo yaboohay oo ah guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Lacagta:
Waxa caddaatay ama Warbaahintu soo bandhigtey in Maayirada degmooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley ay si badheedha ugu dhawaaqeen in ay lacag siinayaan Muuse Biixi si uu ugu galo ololaha siyaasaddeed ee Doorashada Madaxtinimo.
Hadaba halkey lacagta ka keeneen!!.
Sida aynu ka war-qabno, waxa aynu wada oggeyn in saddexdan Maayir aanay xilalkooda ka hor haysanin lacag intaas leeg sida ka muuqatay heerkooda dhaqaale(Economic Status) ee markii hore, isla mar ahaantaana aanay awood u lahayn in ay jeebkooda ka soo saaraan qadar lacaggeed oo intaas leeg, balse dhaqaalahan tirada badan uu kaliya ka yahay mid laga soo saaray qasnadda dawladaha hoose ee degmooyinkaas oo ay ku soo dhacaan cashuurta yare e laga soo ururiyo Hooyada tamaandhada ku iibisa cadceeda een hadh iyo hadh-qoodaar toona u haysan in ay kaga gaashaamato Milicda iyo kulaylaha dhacaaya.
Lacagta intaas leeg ee Kumanaanka kun ee Dollar ahi, waxa ay wax ka tari lahayd dayactirka Laydhka Berbera ee habeen iyo maalin ba bakhtiis shidmaaya xilli kulaylo lagu jiro, wax ka qabashada adeegyada kale ee Hargeysa iyo Gabiley, dhiska waddooyinka burburay, bilicda caasimadaha sii xumaanaya ee qashinka iyo qudhunku buuxiyey.
Maayirada Hargeysa, Berbera iyo Gabiley, waxa ay istaahilaan in xilka laga xayuubiyo, weli bana xadhig iyo ganaax looggu daro maadaama ay ku takri-galayaan hantidii umadda, sifo qaldanna ay u adeegsanayaan.
Erayga aan ka odhanaayo Muuse Biixi
Muuse Biixi, waxa aan ku oggeyn in uu yahay nin dalka u soo halgamay oo Mujaahid ah, se maanan ku oggeyn in uu yahay nin u soo dhac iyo boob tagay hantida umadda, gaar ahaan dadka danyarta ah xoolahooda si uu kuriga u fuulo.
Waxa aan mar iyo boqolaal jeer oo kale ka xumahay damiirka siiyey in uu olole siyaasaddeed u qaato lacagta cashuurta ah ee laga soo ururiyey dadka danyarta ah ee ku soo dhacda qasnadda dawladaha Hoose ee Berbera, Hargeysa iyo Gabiley.
Waxa aan ka xumahay in Muuse Biixi oo dalkan ka doonaaya in uu Madaxweyne ka noqdaa uu u soo ham iyo dig lee yahay uun siddii umadda u dhici lahaa, kor uu ugu qaadi lahaa musuqmaasu, eexda iyo qaraabo kiilka inta ba.
Ugu dambeyn, waxa aan ku tallin lahaa haddii uu hanti dhowr sax ahi uu ka jiro dalka, in Maxkamad la soo wada istaajiyo saddexdaas Maayir ee khiyaanada qaran sameeyey iyo ka faa’ideystaha khiyaanada Qaran Muuse Biixi isla mar ahaantana sharciga la mariyo umaddan ay dhaceena xaqqooda loogga soo qaado.

Muusoow, lacagtaasi waa kugu xaaraan ee dib iskaga soo celi!!.

W/Q. Dr’s.Xaliimo G.Warsame
PHD. Candidate(Economics and Political Science)/Minnesota University/USA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews