Maydka Nin Baabuur Berbera Ku Jiidhay Oo La Garan Layahay Oo Cisbataalka Yaala
September 27, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Cisbataalka guud ee magaalada Berbera waxa ilaa shalay talaagada maydka kujira nin aan la aqoonsan oo shalay galinkii hore baabuur ku jiidhay xaafada daaroole ee magaalada Berbera.
Ciidamada nabad galiyada wadooyinka ee Gobolka Saaxil ayaa gacanta ku dhigay darawalkii iyo gaadhigii ninka jiidhay oo kamida haa gaadiidka yaryar ee magaalada ka dhex shaqeeya sida la xaqiijiyay.