Qurbo joogta ku nool qaarada yurub ee dan iyo duco oo kulan ku yeeshay maanta magaalada London ee cariga boqortooyada Britain waxa sida adag ugu canbaarayeen xadhiga xaq darada ee madaxtooyada Somaliland kula kacday Eng saleban siciid cumar ,waaxanu muwaadinkani ku xidhan yahay aragtidiisa u ka dhiibtay maamul xumada iyo musaq-maasuq tirade beelay ee xukumada Siilaanyo ku hayso hantidii ummada reer Somaliland wada lahayd. Dhiibshada aragtida ama xoriyada hadal waxa inoo baneeey dastuurka qaranka Somaliland ee u Siilaanyo madaxweynaha u yahay .
Shirka balaadhan ee ay isku yimaadeen jaaliyada dan iyo duco ee qaarada yurub waxa ku soo saaran bayaanka oo ku soco xukumada madaxweyne Siilaanyo:-
in si degdega ah xoriyadiisi lagu so celiyo Eng saleban siciid cumar
inay xukumadu ilaaliso xoriyatul qolka ummada
in laga daayo xadhiga xaq darada ee laga beegsanayo dhalinyarada ,aqoonyahanka iyo waxgaradka bulshada ka soo jeeda gobalka saaxil.